7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2023
Xildhibaan Maalik Cabdalla oo damiintay askar badan oo dowladda ku xirtay iney keensadaan damiin
 

Sabti, Agoosto, 19, 2023 (HOL) - Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa damiintay askar tiradoodu lagu sheegay ilaa 500, kadib markii dowladda ay ku xirtay hub siintooda iney damiin keensadaan.

Askartaan oo dhawaan dalka dib loogu soo celiyay, kadib tababar ay kuso qaateen dalka Uganda, kuwaas ayaa badan kooda kasoo jeeda gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo la hadlay Shabakadda HOL ayaa sheegay inuu askartan usoo damiintay iney yihiin askar 80% ah kuwa kasoo jeeda deegaanada gobolka Hiiraan oo ah deegaanada uu ku matalo Baarlamaanka Soomaaliya.

"Askartaan oo ku xareysan mid ka mid ah xeryaha ciidanka dowladda Soomaaliya ayay dowladdu ku xirtay in hubka ay ku siin karto kaliya iney damiin keensadaan, hadii ay keensan waayaan aanan wax hub ah lasiin doonin mudo badana bilaa damiin ay xerada isaga jireen, waxaan go'aansaday inaan soo damiinto, maadama ay ka mid yihiin dadka aan matalo waana soo damiintay" ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in dowlad ciidan ay soo tababartay  hadana ku xireyso iney la yimaadaan masuul damiin ka noqdo si loo siiyo qoraygii ay naftooda iyo dalkaba ku difaaci lahayeen, waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanka.

Gabagabadii Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa sidoo kale inoo sheegay in askartaan uu damiintay dhamaantood, hadii uu mid ka mid ah qoray la goosto ay dowladdu isaga kula xisaabtameyso, taasina ay aheyd sababta loo waayay askartan masuul damiin ka noqda mudo dhowr bilood ah oo ay ku jiraan xerada.

Askartaan ayuu tilmaamay Xildhibaanka iney ka mid noqonayaan ciidamada loo diyaariyay iney ka qeyb qaataan wajiga labaad ee howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.