7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2023
Xildhibaan Dahabo Suusow: Waxaan u aragnaa midab takoor sida loola dhaqmay generaal Sheegow
 

Sabti, Agoosto, 19, 2023 (HOL) - Xildhibaan Dahabo Suusow oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa si adag u cambaareysay xariga Dowladdu u geysatay sarkaal lagu magacaabo Axmed Cali Sheegow (Generaal Sheegow).

Xildhibaan Dahabo Suusow waxay sheegtay in aan la aqbali karin weerarka lagu qaaday sarkaalkaas, iyadoo ku tilmaamay xarigiisa dulmi weyn oo laga galay sarkaal ciidan oo ay sheegtay inuu horey Dowladda ugu dulmanaa.

“Halkii Janan aan laheyn in gurigiisa lagu weeraro Kuleetiga la soo qabto oo lagu oriyo ma ahan waxaan aqbali karno. Anigaa Xildhibaankiisa ah,” ayay tiri xildhibaanku.

Xildhibaannadu waxay sheegtay inay midab takoor u arkaan sida loola dhaqmay sarkaalka, iyadoo sheegtay in ay jiraan shakhsiyaad lamid ah oo magaalada Muqdisho ku haysta hub.

Waxay Dowladda ugu baaqday in si degdeg ah loosoo sii daayo sarkaalka iyo dhallinyarada kale ee la xiray. Waxay sheegtay dhibaatadii ka dhalatay weerarka inay masuuliyaddiisa qaadayso Dowladda Soomaaliya.