7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2023
Ciidanka Xoogga Dalka oo 5 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dilay Gobolka Galgaduud
 

Sabti, Agoosto, 19, 2023 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada Garileey iyo Cali-yabaal ee gobolka Galgaduud, waxa ay ku dileen 5 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Cali Caanood, howlgalkan ayaa daba socday kaddib markii ciidamadu heleen xog ku saabsan Shabaab isku urursanaya dhul keymo ah oo ay ku lahaayeen farriisimo ay kasoo ababulaan weerarada.

Jeneraalka Caanood ayaa sidoo kale sheegay in la sifeeyay Alshabaabkii ku dhuumaaleysanayay keymaha deegaanka Jir-jir Xiirey oo u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Cali Heelle oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Afhayeenka gaashaandhigga ma sheegin wax khasaare ah oo ciidamada dowladda kasoo gaaray intii uu socday howlgalkan.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa gobolka ay ku wajahan yihiin labada degmo ee Ceel-buur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud oo ay weli gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.