7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2023
Madaxweyne Deni: Ma ahan mid la isaga hari doono gumaadka Somaliland ku hayso degmada Laascaanood
 

Arbaco, Agoosto, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay geerida Abwaan Jaamac Kediye oo galabta ku dhintay duqeyn ay ciidamada Somaliland ka geysteen magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Deni ayaa geerida Abwaan Jaamac Kediye ku tilmaamay tiirweyn oo ka baxay ummada Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, islamarkaana uu wax badan suugaantiisa kaga qeyb qaatay nabadda, dowladnimada iyo horumarka.

“Duqeynta Somaliland ku laynayso haldoorka, birimageydada iyo guud ahaan Shacabka gobolka Sool, waxay muujinaysaa cadowtnimada maamulka Muuse Biixi u qabo dadka reer Sool, Mana ahan mid taasi la isaga hari doono. Waxaana ka tacsiyeeynaya dhammaan dadkii ku geeriyooday duqeyntaasi,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kediye ayaa isagoo ku sugan magaalada Laascaanood oo ku dhex jira gaarigiisa waxaa haleelay mid kamid ah madaafiic ay ciidamada Somaliland kusoo garaaceen magaalada Laascaanood.

Abwaanka ayaa kamid ahaa shakhsiyaadka aadka ugasoo horjeeday joogitaanka Somaliland ee gobolka Sool. Tan iyo markii magaalada Laascaanood ay ka baxeen ciidamada Somaliland waxaa saldhig u ahaa magaalada Laascaanood.