7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2023
Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay Hindise Sharciyeed muhiim ah
 

Arbaco, Agoosto, 16, 2023 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee qaranka oo maray akhrintiisii sadaxaad.

Hindise sharciyeedkaan oo ay horay usoo meel mariyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka doodayay Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaas oo maanta ugu dambeyn cod aqlabiyad leh ku meel mariyay Hindise sharciyeedkan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Abshirow oo kulanka shir guddoominaayay maanta oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay inuu ansax yahay Sharciga Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

"Hindise Sharciyeedka Hanti dhowrka Guud ee Qaranka waxaana Haa ugu codeysay 135 Xildhibaan, Waxaana diiday 3 Xildhibaan, Waxaana ka aamustay 4 Xildhibaan" ayui yiri Guddoomiye Abshiroow.

Ansixinta Sharcigaan kadib waxaa Golaha Shacabka u mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo sheegay in Hindise sharciyeedkaan Hanti dhowrka guud ee Qaranka uu tiir weyn u yahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.