7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2023
Nabadoon Xaad "Al-shabaab waxay bilaabeen iney hubeeyaan dadka ku nool degmada Ceelbuur"
 

Arbaco, Agoosto, 16, 2023 (HOL) - Iyadoo dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay wado abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ku dooneyso iney Al-shabaab kaga saarto magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Al-shabaabka ku sugan Ceelbuur ay bilaabeen iney hubeeyaan dadka ku dhaqan degmadaas.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda degmada Ceelbuur ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kooxda Al-shabaab ay degmada ka bilaawday iney si xoog ah ku hubeyso dadka ku nool Ceelbuur.

"Ciidamada huwanta waxay kusii jeedaaan Ceelbuur, ujeedka wuxuu yahay in la xureeyo magaaladaas maalmama soo socda, Shabaabna bilaabeen iney hub u dhiibeen dadka deegaanka oo ay ku sawireen si ay uga faa’iideystaan dagaalka culus ee ku wajahan Ceelbuur" ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Hadalka Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidamadii ugu badnaa loo diyaariyay xureynta maagalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo ah labada degmo oo wali ay kaga ku sugan yihiin Al-shabaab deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadkii labaad ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in marka la xureeyo labadaan degmo uu soo afjarmi doono wajiga koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab, islamarkaana loo gudbi doono wajiga labaad ee dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka dadka deegaanka ay saacadaha soo socda duulaan rasmi ah ku qaadi doonaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud.