7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2023
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland oo habeenkii labaad ku hoyday xabsiga Mandheera
 

Arbaco, Agoosto, 16, 2023 (HOL) - Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa habeenkii labaad ku hoyday saldhiga degmada Mandheera, kadib markii Isniintii lagu xiray Koontaroolka Basaska.

Sida ku cad warqad dacwad ah uu helay wargeyska kasoo baxa Kenya, The Standard, xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa la qabtay isagoo heysta kaarka aqoonsiga Kenya oo la sheegay inuu si been abuur ah ku qaatay.

Madaxa waaxda dambi baarista ee dalka Gitari Muchira ayaa sheegay in inkastoo maamulka Beled Xaawo ee Soomaaliya uu codsaday in la sii daayo xildhibaanka, balse maalinta berri ah maxkamad la soo taagi doono.

“Waxaan ka helnay warqad ka timid guddoomiyaha Beled Xaawo oo uu ku codsanayo in la sii daayo xildhibaanka oo uu sheegay inuu katirsan yahay baarlamaanka Jubaland sababo la xiriira xasaanadiisa,” ayuu yiri madaxa dambi baarista Kenya.

Xildhibaan Gurxan oo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu been abuur ku sheegay qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu Kenya ka soo galay meel qaldan oo aan lagasoo galin.