7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2023
Bushaaro Baanday: Xadhigaygu sharci daro ayuu ahaa
 

Arbaco, Agoosto, 16, 2023 (HOL)- Wariye Bushaaro Cali Baanday oo ay shalay siidaysay Maxkamada Gobolka Maroodijeex ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay sharci daro ku xidhnayd muddo 3 billood ah, ugu danbayna ay cadaalad heshay.

Baanday ayaa shalay laga sii daayay xasbiga  kadib markii ay iibsatay 1 sanno oo xadhig ah oo ay maxkamadu ku xukuntay, xadhigaasi oo ka dhashay 2 danbi oo aan sidaa u cuslayn oo lagu helay.

"Xadhigaygu sharci daro ayuu ahaa, 3daa billood waxan aaminsanahay in aan sharci daro ku xidhnaa, maanta waxaan helay cadaalad xor ayaan ahay, lakiin 3 billood haday qaadatay, waxan leeyahay cadaalada oo raagtaa waa cadaalad daro" ayay Baanday Galaydh Media u sheegtay.

Waxay sheegtay in lagu soo eedeeyay danbiyo badan oo anay galin, oo ay kamid tahay in ay ku lug yeelatay falal lagu duminayo Somaliland, taasi oo lagu waayay markii danbe.

Dhanka kale waxay u mahadcelisay dhamaan dadkii dadaalka ugu jiray in lasii daayo, oo iskugu jiray xildhibaano, qaar kamid ah madaxda xisbiyada mucaaradka iyo ururada, warbaahin, iyo hay'addaha caalamiga ah.

Wariyaha oo caan ku ahaa dhaliisha xukuumada madaxweyne Biixi, ayaa 25 kii May laga soo qabtay magaalo xuduudeeda Wajaale, xili ay ka timid Boqortooyada Ingiriisaka, iyada oo muddo 3 billood ka badan xabsiga ku jirtay, kahor intii aan shalay la xukumin.