7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2023
Taliyaha ciidanka xoogga dalka: Nooma muuqato in ciidamada dalalka deriskeenna ay ka qeyb galayaan dagaalka Alshabaab

Talaado, Agoosto, 15, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas, Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin, ayaa sheegay in aysan muqaan ififaalo ciidamada dalalka deriska ay kaga qeyb qaadanayaan wajiga 2-aad dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka waxa uu sheegay qorshaha la filayay inay ciidamada dalalka Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya uga qeyb galaan dagaalka Alshabaab, uusan caddayn, isagoo sheegay waddamadaas in aysan waqtigaan diyaar u ahayn inay dagaalka kasoo qeyb galaan.

“Ka qeyb noqoshada howlgalka Libaaxa Madow ee gulufka colaadeed, ma dhihi karno waa baaba’ay, laakiin nooma muuqdo muuqaal ku saabsan in ciidamada dalalka deriskeenna ay toos uga qeyb galayaan dagaalka,” ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Taliyuhu wuxuu sheegay ka dowlad ahaan in ay sugayaan ballanqaadka 3-da dal, hase ahaatee wuxuu caddeeyay in howlgalka Dowladdu ku dhawaaqay aysan kasoo qeyb galidoonin.

Sarreeye Gaas, Ibraahim Sheekh wuxuu sheegay  Dowladda Soomaaliya inay isku tashanayso oo ay u tabaabushaysatay inay Alshabaab dalka ka saarto. Wuxuu sidoo kale sheegay taageerada iyo ballanqaadka dalalka deriska in ay ka sugayaan,

Saddexda dal ayaa horey u ballanqaaday inay Soomaaliya ka caawinayaan la dagaalanka Alshabaab, iyagoo sheegay inay usoo dirayaan kumanaan askari iyo gaadiidka dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa horey u sheegay in ciidamadan oo aan qeyb ka ahayn ATMIS ay kaalin weyn ka qaadan doonaan wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab looga saarayo koonfurta iyo bartamaha dalka.

Madaxweynuhu dhowr jeer ayuu meelo fagaara ah ka sheegay kalsoonida ay ciidamada ku qabaan inay dagaalka Shabaab ka qeyb galaan.