7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2023
Wasaaradda gaashaandhigga oo soo saartay digniintii labaad ee ku wajahan shacabka ku sugan degaanada Shabaabka
 

Talaado, Agoosto, 15, 2023 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo talaado ah soo saartay digniintii labaad oo ku wajahan shacabka ku sugan degaanada ay Shabaabku haystaan.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Sarreeye Guuto, Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa ku wargaliyay dadka deggen degaanada laga xukumo  degmada Gal-Hareeri iyo Ceelbuur inay isaga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Afhayeenka gaashaandhigga wuxuu sheegay inay Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibaddeeda caaamka ay bilaabayaan dagaallo toos ah iyo duqaymo aan kala joogsi lahayn oo lagu bartilmaameesanayo goobaha Alshabaab.

“Waxaan jeclahay inaan idiin sheego in laga fogaado dhulka u dhaxeeya, Xiindheere illaa Garab la’. Waa meelaha ay dhibaatadu idinka soo gaari karto. Waxaan idinka codsanaynaa, Ceel Qooxle, Wabxo, Ceel Xarardheere, Dabagalo, iyo Jacar, degaanadaas oo dhan aan idiin sheegnay in laga fogaado,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Sarreeye Guuto Caanood, wuxuu sheegay Dowladda Soomaaliya inay doonayso in dadka iyo xoolaha degaanadaas ku nool ay helaan nabad galyo oo aysan wax kasoo gaarin howlgalka ballaaran ee ka dhacaya jiidahaas.

Wuxuu sheegay in meelaha qaarkood oo lagu sameeyay sahan lagu arkay inay ku sugan yihiin dad iyo xoolo. Wuxuu sheegay dowladdu in aysan qaadan doonin masuuliyadda ka dhalata haddii aysan dadku raacin digniinteeda ku aadan inay isaga baxaan dhulka bartilmaameedka ah.