Hiiraan Online
11/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2023
Howlgal lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud
Talaado, Agoosto, 15, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada howlgalka Mareykanka ee AFRICOM ka sameeyeen aroornimadii hore ee saakay deegaan hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 5 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay goob ay ka wadeen kooxda abaabul xoogan.
"Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa lagu dilay 5 dhagar qabe waxaana lagu burburiyey goob wayn oo fariisin u ahayd khawaarijta isla markaana ay ka wadeen abaabul. Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada hawdka ah" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Howlgalkaan aroornimadii hore ee saakay ka dhacay nawaaxiga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa kusoo beegmaya, iyadoo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug uu ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaalka Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.