7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2023
Madaxweyne Xasan sheikh: Dagaalka musuqa maasuqa kuma eka shaqaalaha hoose ee dowladda
 

Talaado, Agoosto, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in la dagaalanka musuq maasuqa ee dowladdiisa uusan ku ekayn shaqaalaha hoose ee hay'adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in la arkidoono dhawaan, shakgsiyaad waawayn oo maxkamadda hortaagan, taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay ballanqaadka dowladdiiisa.

"Howshu waa socotaa maalin walbana waxaa loosiii tagayaa lacago dheeri ah iyo meelo ay ku maqan yihiin. Maxkamadda guruubaa hadda taagan, laakiin halkaas kuma dhamaato. Waxaad arki doontaa dad waawayn oo maxkamada taagan," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxwrynuhu wuxuu sheegay in uusan wax ixtiraam ah lahayn qofka xadaya ummadda xoolahooda. Wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo hantida dowladda oo ay xadeen daaro waawayn uga dhistay waddamada Turkiga iyo Kenya.

Wuxuu madaxweynuhu ka digay in hab qabiil lagu difaaco dadka lagusoo eedeeyay musuqa ee haatan maxkamdayntoodu socoto. Wuxuu sheegay dadkaasi in loo haysto tuhun musuq maasuq.