7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2023
Shirka Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Maanta ka furmay Muqdisho

Axad, Agoosto, 13, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmay shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doona arrimaha xeerka mideynta Canshuuraha, dib u habeynta Maaliyada iyo dhameystirka sharuudaha deyn cafinta, wuxuuna socon doona mudo laba maalmood ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Raaxo Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cabdiqafaar ayaa si rasmi ah u furay shirka.

Wasiir Wasaaradda Maaliyada Biixi Imaan oo hadal kooban jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay inuu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u leh dib u habeynta Maaliyadda dalka, mideynta hanaanka canshuuraha, mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo dhammaystirka sharuudaha barnaamijka deyn Cafinta.

Shirkaan Maanta u furmay Wasiiradda Maaliyadda Fedaraalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galin oo ka maqan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland, waxaana xusid mudan in maamulka Puntland uu horay u sheegay iney u dhaqmayaan sidii dowlad madax banaan oo kale.