7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2023
Raysal wasaare Xamse oo Maanta magacaabay Agaasimaha guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan iyo ku xigeenkiisa

Axad, Agoosto, 13, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumad Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta magacaabay Agaasimaha guud iyo Agaasime ku xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka ah ee Rabahadaha Wata.

Raysal wasaare Xamse ayaa Agaasimaha guud ee xarunta qaran ee Tubsan u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxaana agaasime ku xigeenka loo magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim.

"Ra’iisul Wasaaruhu markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxa uu magacaabay. 1. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan
2. Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim – Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Agaasimaha cusub ee xarunta qaran ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa horay usoo noqday wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ee Xukuumadii uu raysal wasaaraha ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba ha ahaate waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu biloowgii sanadkaan uu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.