7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2023
Madaxweyne Biixi oo ku baaqay in cadaalada la mariyo dablaydii 9 ka askari dilka u gaysatay

Axad, Agoosto, 13, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku baaqay in sharciga la horkeeno jabhada buurta Gacan-libaax oo Jimcihii weerar jidgooyo ah ku dilay 9 askri isla markaana dhaawacay 17 kale, sida uu booliisku sheegay.

Madaxweynaha oo ka qaybgalay aas Hargaysa loogu sameeyay askartii weerarka ku dhimatay, ayaa sheegay in loo baahanyahay in sharciga la horkeeno cidkasta oo ku lug lahayd weerarka.

"Cidii shirqoolkaa iyo dilkaa gaysatay, mid abaabulay, mid caawiyay, iyo mid gacan ka gaystayba in la horkeeno sharciga, oo sharciga siday diinta Islaanku ogoshahay la yeelo waa waajib qarankan saaran" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu ku baaqay in loo baahanyahay in loo midoobo difaaca Somaliland, isla markaana waxa uu xusay in waxwalba lagu gaadhikarayo wadatashi, wax wadalahaansho iyo isdhexgal, talo laysla ogolyahayna lagu galo doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in  Laascaanood xabad laga bilaabay markii la furay ururada, imikana koox kale ay xabad bilowday markii wakhtigii doorashooyinka lagu dhawaaqay, waxaanu sheegay in loo baahanyahay in la baadho xidhiidhka ka dhexeeya dhacdooyinkan.

Kadib markii uu weerarka askarta lagu laayay dhacay Jimcihii xukuumada Somaliland ayaa amar ku bixisay in talaabo laga qaado dablayda buurta dagan, lakiin odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo waan waan nabadeed xalka ku raadinaya ayaa codsaday in amarka dagaalka dib loo dhigo.