7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2023
Dad ku dhintay madaafiic ku dhacday qaybo kamid ah magaalada Laascaanood

Axad, Agoosto, 13, 2023 (HOL) - 4 qof ayaa ku nafwaayey madaafiic ku dhacday bakhaar ku yaala magaalada Laascaanood, sida uu goob jooge BBC Somali u sheegay.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, ayaa ilaa saaka subixii is waydaarsanayay rasaas, sida ay wararku sheegayaaan, inkasta oo aan war rasmi ah laga hayn baaxada iska hor imaadka.

Magaalada Laascaanood ayaa dhawaanahan xasiloonayd, iyada oo aanu wax dagaal toos ahi ka dhicin muddo todobbaado ah, kadib dagaalo is xig xigay oo bilihii lasoo dhaafay halkaa dhinacyada ku dhexmarayay.

Dagaalka Laascaanood ayaa maraya bishii 7aad oo uu si goos goos ah u socdo, ilaa iyo hadana ma muuqato xal rasmi ah oo dagaalka lagu joojinayo.

Waxa guuldaraystay dadaalo nabadeed oo ay isku dayeen dowlada Itoobiya, salaadiin iyo dadkale, kuwaasi oo dhamaantood keeni waayay xabad joojin iyo wada hadal midna.