7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2023
Kumaadooska Soomaaliya oo howlgal lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay Jubbada Hoose
 

Axad, Agoosto, 13, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ka sameeyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Janaay Cabdale ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka Kumaandooska Danab ka sameeyeen tuulooyinka hoostaga Janaay Cabdale ayaa la sheegay in ciidanka ay ku dileen 7 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku beegsadeen goob ay isku aruursanayeen kooxda oo uu sheegay iney qorsheynayeen iney soo weeraraan Saldhigyada ciidanka dowladda fedaraalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay wadaan dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee kooxda Al-shabaab ugu saari lahayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Jubbaland.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya, iyadoo Shalay ciidanka dowladda Soomaaliya howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada Baladul Amiin, Baladul Kariim iyo Buulo fulaay oo ka kala tirsan Shabeellaha Hoose iyo Baay lagu dilay 41 ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.