7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 1 , 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay sababta dowladdu ula wareegayso dhulkii Casa Italia
 

Talaado, Agoosto, 1, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhulka Casa Italia ee degmada Xamar weyne oo ah dhul ay leedahay dowladda Talyaaniga.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in burburinta dhismaha xarunta Kaasa Italia ay ku timid codsi uga yimid safaaradda Talyaaniga, taasoo uu sheegay in ay dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo.

“Waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta",ayuu yiri guddoomiyuhu.

Dhinaca kale, afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Dheere oo isagana la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in dowladda Talyaaniga ay dib u dhisayso xaruntii Casa Italia, lagana fulinayo mashaariic horumarineed oo bulshada lagu taageerayo.

Afhayeenku wuxuu sheegay in aanay dowladdu wax tacaddi ah u geysan dadkii degenaa ama ku ganacsanayay dhulkaas. Wuxuu sheegay in muddo bil ka hor ah ay dowladdu ku wargalisay in laga guuro.

Wuxuu sidoo kale been abuur ku tilmaamay in dowladdu shaqsiyaad gaar ah oo kamid ah qaraabada madaxweynaha ay ku wareejinayso dhulka Casa Italia.