7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoonay Safiiradda dalalka Jabuuti, Canada iyo Kuubba

Talaado, April, 4, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Jabuuti, Canada iyo Kuubba ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo ka qabsoomtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweynaha waxuu kaga guddoomay waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah Maxamed Ibraahim Yuusuf oo ah Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Christopher Thornley oo ah Danjiraha cusub ee ee dalka Canada iyo Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha dalka Kuubba u fadhin doona Soomaaliya.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay fariimo ay ka sideen madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoona soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjireyaasha cusub ayaa si gaar gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda Fedaraalka Soomaaliya la leedahay dalalkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshaha dowladiisa ee ku qotama Soomaali Heshiis la ah Dunida.