7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2023
Shir ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo Maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Talaado, April, 4, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka furmay shirka madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore, kaasoo looga hadlaayo isku dabaridka howlgalada lagu ciribtiraayo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

Shirkaan oo uu shir guddoominaayo wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la sheegay in ujeedkiisa uu yahay in si mideysan loo wajaho wajiga labaad ee howlgalada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab, islamarkaana qorshaha uu yahay in wajiga labaad ee howlgalada iney ka qeyb qaataan ciidamada dalalka dariska.

"Waxaan maanta furay Madasha Soomaliya iyo dowladaha deriska ah ee Isku duwidda Howlgallada Ciribtirka Khawaarijta oo socon doona 3 maalmood, waxaana goobjoob ahaa dhammaan laamaha ay khuseyso sida Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Muddadan waxaan gorfeyn doonnaa sidii dalalka safka hore iyo ciidamada soomaaliya ay isaga kaashan lahaayeen isuguna duwi lahaayeen howlgalka oo noqon doona wajiga labaad ee ciribtirka Khawaarijta" ayuu yiri Wasiirka Gaaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Shirkaan Maanta ka furmay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirrada arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru dowlaha amniga gudaha iyo Taliyaasha xoogga iyo Booliiska Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirka qeyb ka ah wasiirrada amniga dowladda goboleedyada dalka ka jira oo lagu casuumay iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare.

Shirkaan ayaa imaanaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso iney dhawaan si rasmi ah u bilaawdo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab, kaasoo lagu wado iney si toos ah uga qeyb qaataan ciidamo ka socda dalalka safka hore.