7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2023
Ugu yaraan 100,000 oo qof oo ku barakacay daadadkii ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay gobolka Gedo
 

Talaado, April, 4, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 100,000 oo qof ayaa ku barakacay, hantina waa ay ku burburtay daadad xooggan oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka dhacay gobolka Gedo.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA, fatahaadda ayaa waxaa ku dhintay 12 qof degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo roobabkii ugu badnaa ay ka da’een maalmihii la soo dhaafay.

OCHA ayaa sheegtay in waxbarashada illaa 3,000 oo caruur ah ay hakad gashay ka dib markii goobahooda waxbarashada ay saameeyeen fatahaado.

"Daadadka ayaa sidoo kale burburiyay lix xarumood oo caafimaad, 200 oo musqulo ah, iyo afar dugsi," OCHA ayaa ku tiri warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya.

Hay’addu waxay sheegtay in in ka badan 1,000 hektar oo dhul-beereed ah ay daateen.

Sida laga soo xigtay OCHA, qiimayn ay hay’adaha wada shaqaynta leeyihiin iyo maamulka Baardheere ku sameeyeen ayaa lagu ogaaday in in ka badan 13,000 qoys.