7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 4 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay labo xubnood oo kasoo goostay Alshabaab
 

Talaado, April, 4, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kusoo bandhigtay labo xubnood katirsan oo Alshabaab oo lagu sheegay inay ahaayeen horjoogayaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in labadan xubnood oo kasoo goostay kooxda Alshabaab ay iskusoo dhiibeen ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer.

Wareysi ay siiyeen warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayay ku sheegeen inay u adkaysan waayeen xaaladaha qalafsan ee ka jira dhulka jiqda ah ee Alshabaab ay u baxsadeeen markii laga qabsaday magaalooyinkii ay ku sugnaayeen.

Waxay sheegeen dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin gaajo iyo harraad inay ka jiraan meelaha ay Alshabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Galagduud. Waxay sidoo kale sheegeen inay u dulqaadan waayeen dhaqamada Alshabaab, oo ay ku sheegeen kuwo ka baxsan diinta.

Xubanahaan Alshabaab kasoo goostay ayaa magacayadadooda lagu sheegay Xussen Daahir Maalin (Dhagey) iyo Calas Ibraahim Axmed Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’doomisay degaanada Alshabaaab ay ku sugan yihiin ee bariga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin Shabaabkii ka baxsaday wajigii koowaad ee howgalladii dib u xoraynta dalka.