1/5/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2023
Beesha caalamka oo ku eedeysay dhinacyada isku haya colaadda Laascaanood inay fulin waayeen xabbad joojintii iyo kala qaadida ciidamada

Isniin, April, 17, 2023 (HOL) - War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu sheegay in dhinacyada isku haya colaadda Laascaanood ay fulin waayeen ballanqaadkii xabbad joojinta iyo kala qaadida labada ciidan.

Beesha caalamka waxay si toos ah baaq ugu direen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana loogu baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, islamarkaana ciidamada loo kala qaado oo la geeyo goobaha lagu heshiiyo.

Beesha caalamka waxay ku sheegeen war- murtiyeedkooda in colaadda hubaysan ee magaalada Laascaanood ay saamaynta ba’an ku yeelatay shacabka.

Beesha calaamku waxay xustay in xaaladda walaaca ahi ee ka taagan Somaliland ay si weyn u saamaynayso wada-hadallada ku saabsan la-hawlgalkooda Somaliland.

Beesha caalamku waxay dhinacyada u gudbisay farriin ku saabsan muhiimada ay leedahay xaqiijinta gaaritaanka bini'aadantinimo iyo gaarsiinta gargaarka kuwa u baahan.

Beesha caalamka waxay ugu dambayn ku baaqeen dabacsanaan iyo rabitaanka tanaasulka si loo oggolaado wadahadal lagusoo afjaro colaadda Laascaanood.