7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 12, 2023
Shirkadda Hormuud oo $20,000 ugu deeqday cayaaryahannada xulka qaranka 17 jirada Soomaaliya

Arbaco, April, 12, 2023 (HOL) - Shirkadda Hormuud ayaa $20,000 ugu deeqday ciyaaryahannada Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee U17, kuwaas oo ka qeybgalaya tartanka qaramada qaaradda Afrika.

Taageeradan ayaa kusoo aaday, iyadoo maalinta berrito ah uu Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee U17 uu ambixidoono dalka Aljeeriya, halkaas oo uu tartanku si rasmi ah uga furmidoono.

“Waxaan ku faraxsannahay in aan $20,000 ugu deeqnay ciyaaryahannada Xulka Qaranka U17, oo berri u ambabaxaya in ka qeybgalaan tartanka qaramada qaaradda Afrika, oo 29-ka April ka furmaya dalka Algeria. Waxaana rajaynaynaa in ay mar kale guul nooga soo hooyaan tartanka 17-jirrada qaramada qaaradda Afrika,” sidaasi waxaa yiri shirkadda Hormuud.

Xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF ayaa horey usoo saaray jadwalka tartanka 17 jirada qaaradda Afrika, kaas oo la ciyaari doono inta u dhaxaysa 29ka Abriil iyo 19ka May 2023.

Ciyaarta furitaanka ayaa waxaa marti galin doona Algeria waxa ay sabtida 29ka April kula ciyaari doonaan garoonka Nelson Mandela Stadium ee Algiers xulka qaranka Soomaaliya.

Xulka 17 jirada Soomaaliya ayaa horey ugusoo guulaystay isreeb-reebka tartankan, kadib markii ay ciyaartii ugu dmabeysay 3-1 uga qaadeen dalka Koonfurta Suudaan.

Waxay ahayd guul taariikhi ah oo ay Soomaaliya ka gaartay tartan heer caalami ah.