7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 12, 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomalida kala hadlay qorsha dib loogu habaynayo

Arbaco, April, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Liyuu Booliska ee dowlad degaanka Soomaalida, isagoo Madaxweynuhu uu ciidankan siiyay faahfaahin buuxda qaabka ay noqonayso waxa uu ku tilmaamay dib u habaynta lagu samaynayo Ciidamada Liyuu Booliska.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ugu horreyn ka war bixiyay halkii laga soo billaabay Ciidamada Liyuu Booliska iyo baahidii keentay in la sameeyo Liyuu Boolis, " Ciidamada Liyuu Booliska waxaa lagu aasaasay duruufo gaar u ahayd degaanka Soomaalida oo ay kamid ahayd la dagaallankii jabhadihii ka jiray degaanka Soomaalida, wixii intaa ka dambeeyay waxay Ciidamada Liyuu boolisku hayeen shaqooyinkii loogu talogalay Ciidamada Millitariga", ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xaaladaha kala duwan ee hadda kaddib ay marayaan Ciidamada Liyuu boolisku, isagoo beeniyay in la kala dirayo ama la tirtirayo Ciidamo Liyuu booliska, waxa kale oo uu sheegay in Ciidamada Liyuu Boolisku aysan wax wayn iska badalaynin, oo Mushaharkooda, Darajooyinkooda, amnigii ay sugayeen intuba ay sidoodii ahaanayaan, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Waxa kaliya ee is baddalaya ayuu Madaxweynuhu ku sheegay inay tahay
magacoodii oo noqonaya Booliska rasmiga ah iyo howshii Millitariga ee xuduudaha ay ka hayeen oo laga joojiyay, iyo waliba dirayska oo laga badalayo waxayna noqonayaan Ciidamo Boolis ah oo sharciyaysan, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Geestooda qaar kamid ah Ciidamada Liyuu booliska ee kulankan kasoo qaybgalay oo Warbaahinta lahadlay ayaa soo dhaweeyay qorshahan dib loogu habaynayo Liyuu booliska, iyagoo xusay in howlo badan oo shaadooda aan ahayn oy hayeen ay ka baaqanayso isla markaana ay hadda kaddib ka shaqaynayaan howlihii amniga ee gudaha degaanka Soomaalida.

Ciidamada Liyuu booliska degaanka Soomaalida ayaa la aasaasay sannadkii 2006dii iyadoo xilligaa ay dagaallo wada galeen Jabhadda ONLF oo wakhtigaa duurka ku jirtay isla markaana dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya, wixii intaa ka dambeeyay waxay howgallo adag ka wadeen dhinaca xuduudaha uu degaanku la wadaago degaannada dalka Itoobiya iyo dhinaca Soomaaliya.