7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 12, 2023
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlay Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Arbaco, April, 12, 2023 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres oo wax laga weydiiyay arinta cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa sheegay iney tahay arintaasi mid quseeysa xubnaha Golaha Amniga.

António Guterres ayaa si cad u sheegay in arinta cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya aysan aheyn mid ka Xoghaye ahaan uu faragalin karo, hayeeshee uu cadeyn karo inuu soo arkay Soomaaliya ku filan dhismaha ciidankeeda.

"Arinta hubka waa mid quseysa xubnaha Golaha amaanka ee maahan mid ay soo faragalin karaan Xoghayaha guud, ama Xogheynta, Waxaan marqaati ka ahay oo an cadeyn kara inaan soo arkay dowladda Soomaaliya ney ku filan dhismaha ciidankeeda Militariga oo guulo muhiim ah ay ka gaartay howlgalada dalka ay kaga xureynayaan Al-shabaab ayna u baahan yihiin dardargalinta iyo taageerada Beesha Caalamka" ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Shalay ayay aheyd markii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo wafdi u hoggaaminaayo ay soo gaareen magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.