7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 12, 2023
Raysal Wasaare Xamse "Xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka"

Arbaco, April, 12, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aadden xuska sannad guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Raysal wasaare Xamse ayaa tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidanka xoogga dalka ay la wareegeen dhul ballaaran oo sanado badan ay ka talin jireen Ururka Al-shabaab.

"Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Khawaarijta" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale sheegay Raysal wasaaraha in dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka in uu barbar socday qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka oo uu xusay in hadda uu maraayo meel wanaagsan.

Gabagabdii Raysal wasaaraha Soomaalya wuxuu sheegay in Xukuumaddiisa aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii  naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidii ay cadowga Al-shabaab uga ciribtiri lahayeen dalka.