7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 11, 2023
Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqday qaylo dhaan ku saabsan xaaladda biniaadantanimo ee Soomaaliya

Talaado, April, 11, 2023 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku dhawaaqay qeylo dhaan ku saabsan baahida loo qabo taageero caalami ah, si loo xoojiyo awoodda amniga Soomaaliya, iyo xasilloonideeda.

"In kasta oo Soomaalidu aysan waxba ku biirin dhibaatada cimilada, haddana waxay ka mid yihiin dhibbanayaasha ugu waaweyn", ayuu yiri Guterres, oo carrabka ku adkeeyay in qiiqa Soomaaliya ee gaaska wasakhaysan ay ka dhigan tahay 0.003% oo keliya qiiqa caalamka.

Booqashada Guterres oo sanad walba u socdaala waddan Muslim ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan  ayaa timid ka dib markii Qaramada Midoobay ay beesha caalamka ka codsatay bishii Febraayo ee la soo dhaafay, $2.6 bilyan oo wax looga qabanayo baahiyaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya, oo abaartii ugu darnayd ee ka dhacda gobolka Geeska Afrika ay ka jirto muddo afartan sano ah.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ku dhawaad shan milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa haatan la kulma  cunto yari aad u sarreeysa.

Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa ku guuleysatay kaliya inay aruuriso 15% dhaqaalaha ay u baahan tahay si ay u taageerto Soomaaliya.