7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 11, 2023
Wasiiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Washington oo uga qeybgalaya Shirka IMF iyo Bangiga Adduunka

Talaado, April, 11, 2023 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa furitaanka shirka kadib, si gaar ah kulamo ku saabsan Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ula qaatay madaxda Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta xafiiska Bangiga Adduunka ee (Africa Group 1) Dr.Floribert Ngaruko oo ay ka wada hadleen arrimaha dib-u-habeynya Maaaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu kulan kale la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika ee Hay’adda Maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Sérgio Pimenta, waxa ay si gaar ah wada hadlkooda diiradda ugu saareen sidii IFC ay u maalgalin laheyd ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu wasiirku wada xaajood la yeeshay wakiilo ka socda dowladda Ruushka oo ka mid ah dowladaha Soomaaliya deynta ku leh isla markaana muddooyinkii la soo dhaafay uu u socday wadahadal ku saabsan cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya.

Shirka Sanadlaha laha ah ee Guddiga Sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo toddobaad ah, waxaana jiri doono kulamo diiradda lagu saari doono xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya.