7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 11, 2023
Wafdi uu hoggaaminaayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Muqdisho soo gaaray


Talaado, April, 11, 2023 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafdiga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Abshir Cumar Jaamac Huruuse.

"Waxaa sharaf ii ah inaan dalkeenna ku soo dhoweeyo xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres oo saaka soo gaaray Caasimadda Muqdisho" ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac.

Wafidigaan uu hoggaaminaayo António Guterres ayaa loo xiray qaar ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa inta uu ku sugan yahay gudaha magaalada Muqdisho inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareysa ee dalka iyo waliba Wakiilada beesha Caalamka.

Booqashada Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu saakay ku yimid Muqdisho ayaa noqoneysa markii labaad ee António Guterres uu booqasho ku yimaado gudaha Soomaaliya, iyadoo sanadkii 2017-kii ay aheyd markii ugu horeysay ee uu dalka yimid Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay xiligaas oo ay dalka maamleysay dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo.