7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 10, 2023
Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta kormeer ku tagay deegaanadii dhawaan laga saaray kooxda Al-shabaab

Isniin, April, 10, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa Maanta kormeer ku tagay deegaanadii ugu dambeeyay ee dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-shabaab ah ee ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada gobolka Jubbada Hoose ee dhawaan laga xureeyay Ururka Al-shabaab ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaay Cabdalle oo ay kooxda Al-shabaab ka talineysay mudo aad u dheer.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay cutubyo katirsan Ciidamada kala duwan ee Dowlada Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali Argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka Dowladnimada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada dib u xoraynta deegaanada Jubbaland ay sii socon doonan inta Al-shabaab laga saarayo dhamaan deegaanada maamulka Jubbaland.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweyne Axmed Madoobe in markii Al-shabaab laga xureeyay deegaanadaan ka tirsan Jubbada Hoose ay si weyn ugu farxeen dadka ku nool deegaanadaan, kuwaas oo uu sheegay iney dib u heleen adeegyo ay ka mid ahayeen dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo waliba in ciidanka saadkooda wax ka siiyaan dadka deegaanka oo xiligaa wajahayay xaalado nololeed.

Booqashada Madaxweynaha Jubbaland ee deegaanadii laga saaray kooxda Al-shabaab ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo qeybo ka mid ah gobolada dalka ay ka bilaawdeen wajiga labaad ee howlgalada dalka looga xureynayo Ururka Al-shabaab.