7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 10, 2023
Faysal Cali Waraabe oo fariin u diray ergayga Soomaaliya u magacowday arrimaha wadahadalada Somaliland

Isniin, April, 10, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo bahanyahay in wahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay ku bilowdaan soo celinta heshiisyadii labada dhinac hore u wadagaleen.

Waraabe oo fariin u diray ergayga dhawaan dowlada Soomaaliya u magacowday wadahadalada, ayaa sheegay in loo bahanyahay in laga wada hadlo sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa.

"Soomaaliya iyo Somaliland haday wadahlayaan mid uun baanu ka wadahadlaynaa, waxaanu ka wadahadlayna sidii aanu wax u qaybsan lahayn, laba dal oo walaalo ah" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in wadahadaladu ku bilaabmaan waji wanaagsan, oo walaalnimo ka muuqato, oo isla markaana lasoo celiyo heshiisyadii labada dhinac hore u galeen, nabadana laga wada shaqeeyo.

Waraabe waxa uu tilmaamay in Somaliland qadiyadeedu tahay lama taabtaan "Somaliland gorgortan gali mayso hada kiinii gorgortan galiseen oo 5 u qaybiseen, anagu talada dalkayaga mardanbe cid la yeelan mayno".

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya looga fadhiyo in ay qirto in Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen laba dal oo walaalo ah, oo kala madaxbannaanaa oo midoobay 1960, isla markaana ay dib u kala baxeen.

Waxa la tilmaamaa in burburka wadahadaladii hore ay sal u ahayd labada dhinac oo kala wata laba qadiyadood oo kala fog, oo midna aanu dhankiisa wax dabac ah ka samayn.