7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 10, 2023
Faahfaahino laga helayo Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska

Isniin, April, 10, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Shalay loogu geystay magaalada Sheffield oo ku taala Waqooyiga dalka Ingiriiska Wiil Soomaali ah oo da'diisa lagu sheegay 20 sano jir.

Dilka wiilkaan dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ayaa la sheegay iney geysteen kooxo hubeysan oo aanan wali la garan heybtooda, waxaana Booliiska magaalada Sheffield oo ka hadlay dhacdada lagu dilay wiilkaan ay sheegeen iney wadaan baaritaano la xariira dilka loo geystay wiilkaan Soomaaliga ah.

Booliiska magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale ka codsaday dadka degan Xafaada Gleadless oo ah halka lagu dilay wiilka Soomaaliyeed iney ka gacan siiyaan baaritaanka kiiskaan si ay gacanta ugu soo dhigaan kooxaha ka dambeeyay dilka.

Magaalooyin badan oo ka mid ah wadanka Ingiriiska waxaa ka dhaca mararka qaar dilalka loo geesto dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, waxaana dilkaan walaac ka muujiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi.

Magaalada Sheffield ee dhacda Waqooyiga dalka Ingiriiska ayaa la sheegay iney tahay magaalada ugu badan oo ay ku nool yihiin dadka Muslimiinta ee ku nool dalkaasi Ingiriiska.