4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2022
UK oo ku dhawaaqday taageero maaliyaddeed oo loogu talo galay wax ka qabashada macluusha Soomaaliya
 

Khamiis, September, 22, 2022 (HOL) - Wasiirka horumarinta UK Vicky Ford ayaa ku dhawaaqday taageero cusub oo lagu taageerayo dadka ay saameysay abaartii ugu xumayd ee ku dhufatay Soomaaliya.

Iyadoo ka hadlaysay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee New York, Ford ayay ku dhawaaqday 22.8 milyan ginni si ay awood ugu siiso Qaramada Midoobay iyo hay'adaha aan dawliga ahayn inay sii wadaan gargaarka nafo-badbaadinta.

Ford waxay beesha caalamka ugu baaqday inay hadda wax ka qabato sidii loo baajin lahaa musiibo, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in macluusha la saadaaliyay ee Soomaaliya ay kasii dareyso tii sanadkii 2011, markaasoo rubuc milyan qof ay naftooda ku waayeen.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadanimo ee ugu xun caalamka.

Ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa si aad ah ugu baahan gargaar  iyadoo 300,000 oo qof la saadaaliyay inay macluul halis ugu jiraan bisha Oktoobar haddii aan gargaar degdeg ah loo helin.