4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2022
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga oo soo saartay xeer cusub oo ku saabsan ilaalinta qaxootiga Soomaaliyeed.
 

Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa soo saartay xeer cusub oo ku saabsan sida ay xaquuq magangalyo ku heli karaan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ka cararaya.

Xeerkaan ayaa sheegaya in dowladuhu ay u ogolaadaan dadka ka cararaya Soomaaliya in ay badbaado raadsadaan, iyo in sheegashadooda qaxootinimo lagu qiimeeyo sharciga caalamiga ah.

Hay'adda UNHCR waxay sheegtay kuwa lagu helo inay ka cararayaan rabshadaha, xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo cadaadisku inay buuxinayaan shuruudaha aqoonsiga qaxootinimo ee hoos yimaada Axdiga Qaxootiga adduunka ee 1951.

Xeerkan ayaa ujeedadiisu tahay in lagu caawiyo dadka magangelyo doonka ah ee ka yimid Soomaaliya, si ay soo dhowayn uga helaan dalalka ay tagaan.

“Waxaan bogaadinaynaa sida ay uga go’an tahay dalalka deriska ah ee ku aaddan ilaalinta waajibaadkooda sharci ee caalamiga ah iyagoo soohdimahooda u furaya Soomaalida u qaxaysa inay badbaado raadsadaan. Laakiin waxaan ku boorineynaa dhammaan waddamada - oo ay ku jiraan kuwa ka fog fog - inay sidaas oo kale sameeyaan. Waxay kaloo gacan ka geysan karaan inay taageero dheeraad ah siiyaan, iyo kordhinta meelaha la dejiyo Soomaalida iyo qaxootiga kale,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay UNHCR.

Dhammaadkii 2021, 836,300 qaxooti Soomaali ah iyo kuwo magangelyo doon ah, ayaa ku dhawaad 80 boqolkiiba waxaa lagu marti galiyay dalalka deriska iyo kuwa gobolka oo ay ku jiraan Itoobiya, Kenya, Yemen, Jabuuti, Uganda iyo Suudaan.