4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo Maanta gaaray deegaano dhawaan Al-shabaab lagala wareegay


Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta kormeer ku tagay deegaano hoostaga degmada Buulaburte oo dhawaan laga saaray Al-shabaab.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliye Odawaa oo ay wehlinayeen saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa deegaanada ay tageen waxaa ka mid ah deegaanka Yasooman oo maalin ka hor ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka Al-shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, waxaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay in deegaanka Yasooman ay Al-shabaab kaga dileen 75 ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa warbixin ka siiyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka dagaaladii ay dhawaan Al-shabaab kaga qabsadeen ku dhawaad 10 deegaan oo hoostaga degmada Buulaburte iyo halka ay marayaan howlagalada socda.

Gabagabdii wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ciidamada iskaashanaya ee dowladda iyo kuwa deegaanka ku boggaadiyay howlgalada ay wadaan, isagoona ku booriyay ciidanka inay sii xoojiyaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, islamarkaana la wareegaan deegaanada kale ee Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan waxaa sadaxdii bilood ee lasoo dhaafay ka socday howlgalo culus oo ka dhan ah Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaani Macawiisleey, waxaana tan iyo markii howgaladaasi bilaawdaan Al-shabaab lagala wareegay deegaanadii ugu badnaa oo ay ka talin jireen mudo aad u dheer.