4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Al-shabaab oo Maanta gubtay guryahii iyo Ceelbiyoodki ku yaalay deegaanka Ceel jiqoow ee gobolka Hiiraan
 

Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Jiqoow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay goordhow oo Maanta ah gubeen dhamaan guryahii iyo Ceel biyoodkii ku yaalay deegaakaasi.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in qaraxyo ay ku burburiyen ceel biyoodkii uu lahaa deegaanka Ceel Jiqoow oo ay dadka iyo duunyada ku noola deegaanka iyo hareerahiisa ay ka biya cabi jireen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaabka gubay guryahii iyo Ceel biyoodkii deegaanka Ceel jiqoow iney ku amreen dhamaan dadkii degana halkaasi iney si deg deg ah uga baxaan tuulada, iyagoo intaasi kadibna gubay dhamaan aqaladii ku yaalay deegaanka iyo Ceelkii ay biyaha ka cabi jireen dadki ku dhaqna deegaankaasi.

Dhacdadaan Al-shabaab ay Maanta ku gubeen dhamaan guryahii iyo Ceel biyoodki deegaanka Ceel jiqoow ee gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, iyadoo inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamo la baxay dib u xoreynta deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda Soomaalya, waxaana dagaaladaasi ay bilaawdeen markii sidan oo kale Al-shabaab ay gubeen guryahii ku yaalay ilaa 7 tuulo oo hoostagta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.