4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Madaxweyne Biixi: Waxa soo baxday Xasan Sheekh wuxuu la aamusnaa
 

Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabaya hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa "Ma ogoli gooni isutaaga Somaliland", ayaa sheegay in madaxbannaanida Somaliland tahay go'aan shacbi oo aan la badali karin.

"Qaranka Somaliland magaalada Burco eed caawa joogtaan oo layskugu yimid, wuxuu go'aansaday, in uu ka baxo midowgii uu ku khasaaray, markii ay burburtay wixii aynu ku heshiinay, oo uu qaranimadiisa gaar iskula taago, taana waxba laga waydiin maayo Xasan Sheekh iyo nin Xamar jooga"

Madaxdweynuhu waxa uu waxan horay loo arag ku tilmaamay erayga uu madaxweyne Xasan Sheekh isticmaalay ee odhanaya "ma ogolin madaxbannaanida Somaliland", waxa uu sheegay in hadalka Xasan uu yahay mid aan aqli fiican ka iman oo cadaawad abuuraya.

Mar kale, isaga oo ka jawaabaya hadalka madaxweyne Xasan ku sheegay in uu Somaliland u saxeexayo wixii mashaariic ah, si ay u noolaadaan, ayuu kaga jawaabay in Somaliland ay gobtahay, isla markaana aan xoriyadeeda lagu badalan karin gows, isaga oo madaxweyne Xasan u sheegay in uu marka hore barto cida reer Somaliland yihiin.

Hadalka uu madaxweyne Xasan ku sheegay in xadadkii isticmaarku anay kala qaybin doonin Somaliland iyo Soomaaliya, ayuu madaxweyne Biixi kaga jawaabay in Midowga Afrika ee Soomaaliya kamidtahay uu ku dhisanyahay xadadkii gumaystuhu jeexay, isla markaana aan la badali karin.

Waxa uu sheegay in markii hore la moodayay in madaxweyne Xasan uu yahay nin wax garad ah, lakiin ay hada soo baxday wuxuu la aamusnaa "Libaaxa kasoo ciya iyo ka aamusan, ka aamusan ayaa daran, waxa soo baxday Xasan Sheekh wuxuu la aamusnaa".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]