4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2022
Madaxweyne Deni oo guddoomiyayaal cusub u magacaabay Garowe, Bosaso iyo Gaalkacyo
 

Khamiis, September, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kala diray golihii deegaanka ee degmada Garowe, isagoo sidoo kale guddoomiyayaal cusub  u magacaabay degmooyinka Gaalkacyo iyo Bosaso.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Deni ayaa guddoomiyaha degmada Garowe loogu magacaabay Geeddi Axmed Tuur oo ahaa agaasimihii maamulka iyo maaliyadda madaxtooyada, wuxuuna shaqadii ka ceyriyay duqii Garowe, Axmed Barre

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale guddoomiyaha degmada Boosaaso uu u magacaabay Xasan Cabdalle Xasan, isagoo xilkii guddoomiyihii hore, Cabdiqani Deero Dile.

Wuxuu sidoo kale guddoomiyaha degmada Gaalkacyo u magacaabay, Xasan Maxamed Jaamac, waxaana  uu xilkii laga qaaday Maxamed Cabdinuur Aadan.

Tallaabadan uu qaaday madaxweyne Deni ayaa kusoo aadat, iyadoo horey la filayay inuu sameyndoono isbeddelo siyaasadeed oo qeyb ka ah ololaha doorashada Puntland ee 2024.