4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2022
Khatar caafimaad oo soo wajahday bulshada Somaliland
 

Arbaco, October, 5, 2022 (HOL) - Dad ayaa u dhintay qaar kalena isbitaalada ayaa loo dhigay kadib markii ay xumada dengue fever, oo ay kaneecadu faafisaa, ka dilaacday deegaanada Somaliland.

Yaasiin Maxamed Cabdillaahi Wacays, oo xumada u jiifa Isbitaalka Adna Aadan, ayaa VOA u sheegay in xumadu ay dhiig la'aan sababayso, isla markaana markasta oo la daaweeyo ay hadana qofka kusoo noqonayso.

"Dhiiga ayay ridaysa oo waxay burburinayaa xinjiraha, waxad mooda xanuun xanuunadii hore ka duwan oo iska soo daba noq noqonanaya, oo laba cisho marka dhakhtarkii laga saaro hadana lagu soo celinayo" ayuu yidhi Wacays.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland DR Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in xumadani anay ahayn mid dhibaato caafimaad oo wayn leh, isla markaana ay dad tirro yari u dhinteen.

"Wasaaradu markii ay siyaabo kala duwan u baadhay waxay ogaatay in xumadaasi tahay xumad ay fidiso nooc kamid ah kaneecada, isla markaana aan dhibaato wayn lahayn oo ah xumad dadka xumad wayn ku qabanaysa lakiin sida la ogyahay dhimashadeedu ay aad u yartahay" ayuu yidhi Xergeeye.

Hadaba, xumadan ayaa noqotay khatar caafimaad oo shacabka soo wajahday iyadoo howlwadeenada caafimaadku ku tilmaameen mid khatarteeda leh, oo loobahanyahay in laga foojignaado.

"Xumadan dengue ayaa la yidhaa, waa xanuun khatartiisa leh oo wajiyo farabadan mara, waxaynu arkayna dad la dhayalsanayay oo afka iyo sanka dhiig ka keenay" DR Maxfuud Cabdi Cabdillaahi oo ka howlgala Isnbitaalka Wayn Ee Hargaysa oo waraysi siiyay HCTV, ayaa sida yidhi.

Hadaba, maalmihii u danbeeyay ayaa waxa xumadan ku nafwaayay dad kala duwan, kuwaasi oo ay eheladoodu sheegeen in laga helay dengue, isla markaana waxa jira dad badan oo isbitaalada u jiifa awgeed.

Wasaarada Caafimaadka ayaa sheegtay in ay qaadi doonto ollole lagula dagaalamayo kaneecada xili roobaadka dhalatay oo iyadu faafinaysa xumadan, isla markaana waxay bulshada uga digtay in ay ka fogaadaan goobaha kaneecadu ku badantahay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]