4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2022
Ciidamada Liyuu Booliska dowlad degaanka Soomaalida oo fadhiisino kala wareegay kooxda Al Shabaab
 

Talaado, October, 4, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Ciidamada Liyuu Booliska ee degaanka Soomaalidu gaar ahaan kuwa ka howlgala xuduudda degaanku la leeyahay Soomaaliya ay fadhiisino kala wareegeen kooxda Al Shabaab, fadhiisimahaas oo ku yaallay degaanka Yeed ee dhinaca Soomaaliya.

Warkan oo lagu baahiyay Warbaahinta ay leeyihiin Ciidamada Liyuu Booliska ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Ciidanka Liyuu Boolisku ay khasaare laxaad leh u gaysteen kooxda Al Shabaab, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijin kara warkaas.

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa horey waxay u sheegtay in Ciidanka Liyuu Boolisku ay samaynayaan aag ka caagan Al Shabaab, si aysan kooxda Al Shabaab usoo hawaysan inay soo galaan dowlad degaanka Soomaalida.

Saraakiil u hadlay Ciidanka Liyuu Booliska ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgallada lagula jiro Al Shabaab, ilaa kooxda Al Shabaab laga sifaynayo aagga xuduudda.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxda Al Shabaab iskudayday inay degaanka Soomaalida soo gasho, xilligaa oo iyada iyo Ciidanka Liyuu Boolisku ay ku dagaallameen degaannada dhaca xuduudda Itoobiya iyo Soomliya. Wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa jirtay in Xukuumadda degaanka Soomaalidu ay heeggan buuxda galisay ciidamadeeda ku sugan xuduudda degaanka Soomaalidu la wadaago Soomaaliya si loo sugo amniga degaanka.

Al Shabaab ayaan iyadu wali ka hadlin warkan maanta kasoo baxay dhinaca Ciidanka Liyuu Booliska ee ah in degaanno ay maamuleen Al Shabaab la wareegeen Liyuu Boolisku.