4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 6 , 2022
Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay dagaalamayaal katirsan Alshabaab
 

Axad, November, 6, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah oo ay ku taageeraysay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku dishay qaar ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika, ayaa lagu faahfaahiyay duqeynta oo ahayd codsi ka yimid ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan meel ku dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay inay duqayntan ka dambeysay kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Maraykanka ayaa dhowr iyo toban duqeymo ah ka dhan ah kooxda Alshabaab ka fuliyay Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

Maraykanka waa saaxiib si weyn Soomaaliya uga taageera weerarada cirka, isagoo haatan kaalin muuqata ka qaadanaya dagaalada ka socda gobolka Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada huwanta ee xoogga dalka iyo macaawisleyda ayaa kusii dhawaanaya magaalada Aadan yabaal, iyagoo hadda ku sugan deegaanno u jira in ka yar 20km.