4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay safiirka Dermark ee Soomaaliya
 

Talaado, November, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynah Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo safiirka cusub ee Dermark ee Soomaaliya oo kulan ku qaatay madaxtooyada Somaliland, ayaa ka wada hadlay iskaashiga arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Safiir Steen Sonne Andersen, oo Somaliland safar ku jooga, ayaa intii uu kulanku socday waxa uu madaxweyne Biixi xog waran guud ka siiyay xaalada guud ee Somaliland, isaga oo u sheegay in Somaliland awooda saartay adkaynta nabada iyo horumarinta dimuquraadiyada.

Kulanka ayay labada dhinac diirada ku saareeen iskaashiga labada dhinac iyo in la dar dar galiyo iskaashiga horumarinta arrimaha bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha.

"Waxaana kulanka lagu lafo-guray sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha ay labada dal hore isaga kaashan jireen ee dhinaca horumarinta arrimaaha bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada.

Safiirka ayaa sidookale,  la kulmay madaxda axsaabta mucaaradka, isaga oo kala sheekaystay muranada siyaasadeed iyo xaalada Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]