4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2022
Bangiga Adduunka oo sheegay in dhaqaallaha Soomaaliya uu kordhay 2.9% sannadkii 2021

Talaado, November, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta shir-guddoomiyay shir sanadle ah oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka, laguna soo bandhigay warbxinta dhaqaallaha Soomaaliya (Economic Outlook).

Warbixinta ayaa caddeysay in sannadkii 2021 dhaqaallaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9, marka loo eego sannadkii ka horreyay ee 2020.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa hoosta ka xariiqay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay xoojinta iyo horumarinta dhaqaallaha dalka si loo gaaro horumar la taaban karo.

“Dhaqaallaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxa naga go'an inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda" ayuu yiri Wasiirka Maaliyaddu.

Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu xusay in abaaraha ba'an ee qeybo badan oo dalka ka jira ay dhaqaallaha samayn xooggan ku yeesheen.

Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo uu sheegay in ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

“In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.”

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]