4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Kooxda al Shabab oo wali ka dhex dagaallamaya hotel Villa Rosa

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Ciidanka gaarka ah ee dowladda iyo rag hubeysan oo ka tirsan al Shabab, ayaa ilaa iyo xalay ku dhex dagaallamaya hotelka Villa Rosa ee ku dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday qarax ismiidaamin ah, kaddibna rag hubeysan ay galeen hotelka.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha rasmiga ee weerarka, balse warbaahinta gudaha ayaa warisay in wasiirka amniga Maxamed Axmed Doodishe uu kamid yahay dadkii ku dhaawacmay weerarka.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, ayaa xaqiijiyay in Maxamed-Sayid Xasan Cilmi oo kamid ahaa dadka qurba-joogta uu kamid yahay dadkii ku dhintay weerarka ka socda hotelka.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiikh Doodishe, ayaa sheegay in hotelka laga soo badbaadiyay dad shacab ah iyo masuuliyiin.

Kooxda al Shabab ayaa sheegtay in ay weerartay hotelka Villa Rosa.

Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ku sugnaa hotelka la weeraray, maadaama uu ku yaallo nawaaxiga Madaxtooyada, islama markaana ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Weerarka ayaa imaanaya maalin kaddib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay dishay 100 dagaalame oo ka tirsan al Shabab , kaddib howgallo ka dhacay gobolka Shabellaha dhexe.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii bishii May, 2022, kooxda al Shabab ayaa weerartay saddex hotel oo ka ah hotel Villa Rosa oo caawa la weeraray, hotel Xayaat oo la weeraray bishii August, 19, 2022 iyo hotel Tawakal ee Kismaayo oo la galay bishuu October, 23, 2022.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]