4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 24, 2022
Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo oo maanta gaaray magaalada Maqalle

Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Maqalle ee gobolka Tigray gaaray Ergayga gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo, iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha TPLF ahna Madaxweynaha degaanka Tigray Debretsion G/Michael.

Obasanjo ayaa Maqalle u tagay si uu ugu kuur galo xaaladda gobolka Tigray iyo waliba waxa ka hirgalay heshiiskii nabadeed ee dhawaan ay TPLF iyo dowladda Itoobiya ku gaareen Koonfur Afrika iyo Kenya.

Obasanjo ayaa inta uu joogo Maqalle waxa uu kulamo xog waraysi ah la qaadan doonaa Madaxda u sarreysa degaanka Tigray ee dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa billowgii bishan heshiis nabadeed gaarey, iyadoo heshiiskaasi uu hormuud u ahaa Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo.

Ilaa iyo hadda qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen wax badan kama hirgalin, marka laga reebo dagaalkii oo joogsaday, iyo gargaarkii oo maalmahan gaaray magaalada Maqale, TPLF ayaa wali ku dhagan qodobka hub ka dhigista oo ay u sababaynayaan in wali Eritariya iyo Axmaaraduba ay wali haystaan qaybo kamid ah gobolka Tigray.