4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 23, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal qorsheysan lagu dilay 49 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab
 

Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in howlgalo qorsheysan iyo duqeymo cirka ah oo ay ciidamada xoogga dalka, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka iyo duqeymaha dhinaca cirka ah ay ciidamada ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino in lagu dilay 49 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, islamarkaana tiro kale lagu dhaawacay.

Howlgalkaan ka dhacay deegaanka Buulo Madiino ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana lagu burburiyay dhamaan gaadiidkii dagaal ay ku heysteen kooxda Al-shabaab deegaanka Buulo Madiino.

Hoos ka akhrso Qoraalka oo dhameystiran:-