3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2022
Nabadoon caan ah oo galabta lagu dilay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe
 

Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Cadow Uul oo ka mid ah deegaanadda hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Maanta halkaasi lagu dilay Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed.

Allah naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed ayaa ka mid ahaa nabadoonadda maalmahii dambe ku howlana dhameystirka heshiis nabadeed oo lakala dhexdhigay laba beelood oo walaalo ah oo mudooyinkii dambe ku dagaalamaayay deegaano hoostaga demada Cadale, waxaana la tilmaamay in nabadoonka uu ku geeriyaaday is rasaaseyn dhexmartay ciidamo uu waan waan ka dhex waday.

Geeridda Nanadoonka waxaa si deg deg ah uga tacsiyadeeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xseen iyo waxgarad kale oo uu ka mid yahay Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed, Marxuumku waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada isagoo geeriyooday xilli uu ka shaqeynayay nabadeynta beelo walaalo ah" ayu yiri madaxweyne Guudlaawe.

Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanadda hoostaga Cadale waxaa ku geeriyooday in ka badan 50 ruux oo isugu jiray dhinacyada labada Maleeshiyo beeleed, waxaana dagaaladaasi lagu gubay ilaa sideed tuulo.












Click here
11/22/2022 10:12 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Xulka Qaranka Sacuudi Carabiya ayaa Maanta muujisay wacdaraha Koobka kubadda Cagta Aduunka oo haatan ka socda wadanka Qatar, kadib guul taariiqi ah oo Maanta Caalamka oo idil laga hadal haayo oo ay ka gaareen Xulka Qaranka Argentina.

11/22/2022 9:22 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ku yaala xaduuda ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in daqiiqado kooban ka hor uu halkaasi ka bilawday dagaal aad xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo Ururka Al-shabaab.

11/22/2022 5:22 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta uu halkaasi dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

11/22/2022 5:14 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Hanti dhowraha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warbixin sannadle ah oo ku saabsan daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee hay’addaha dowladda.

11/22/2022 4:38 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland.

11/22/2022 2:17 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir mid ka mid ah siyaasiyiin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sabriye oo loo yaqaanay Guuleyste.

11/22/2022 1:21 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Nin hubeysan oo katirsan Alshabaab oo gudaha u galay xero ciidan, ayaa dilay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

11/22/2022 1:14 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Madaxda TPLF ayaa mar kale ka dhawaajiyay inaysan Ciidamadoodu hubka dhigayn ilaa dammaanad buuxda oo dhinaca ammaankooda ay ka helayaan shacabka gobolka Tigray ee ay iyagu maamulaan.