4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo buriyay saddex xeer oo uu saxiixay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo
 

Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa buriyay saddex xeer oo uu Madaxweyihii hore ee Soomaaliya saxiixay, kuwaas oo lagusoo dhisay guddiga madaxa bannaan ee Dooradhooyinka, xubnaha guddiga xuduudaha iyo federaalka iyo hay’adda diiwaan galinta shaqaalaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in dhammaan xeerarkan ay baalmarsan yihiin dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, islamarkaana wuxuu sheegay in aan la horgaynin golaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Soomaaliya in ay soo dhisto xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa horey u kala diray xubnaha guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo golaha adeegga Garsoorka. Wuxuu sidoo kale kala diray golihii dhaqaalaha Qaranka, isagoo dhisay gole cusub oo ka kooban sagaal xubnood.