4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Wararkii ugu dambeeyay Koobka Kubadda Cagta Aduunka oo goordhaw ka furmaya magaalada Doxa ee dalka Qatar

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Waqti aad u kooban kaliya ayaa ka harsan iney bilaabato munaasabadda furitaanka koobka kubadda cagta Aduunka oo ay sanadkaan 2022-ka ay marti galineyso wadanka Qatar.

Koobkaan ayaa ah midka ugu xiisaha badan dunida oo idil waxaana uu qabsooma afartii sanaba mar waxaana koobkaan ciyaara ilaa 32 dal oo ka mid ah dalalka dunida, xaflada kadib kulanka ugu horeeya ee qof walba oo dunida ku sugan uu doonayo inuu daawado waxaa wada cayaari doono Caawa abaare 07:00 Fiidnimo xiliga geeska Afrika Xulalka Qatar iyo Ecuador.

Garoonka AlBeyt  ee dalka Qatar waxaa ku sugan madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxda dalka martigalinaya koobkaan ee dalka Qatar oo uu ugu horeeyo Amiirka dalkaas Sheekh Tamim Bin Xamad, Madaxweynaha Hay’adda ugu sareysa Kubadda cagta FIFA Gianni Infantino, dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Madaxweynaha dalka Algeria Abdelmadjid Tebboune, Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall, madaxweynaha dalka Rwanda Pual Kagame iyo taageerayaal farabadan oo ka kala socda labada xul iyo kuwa usoo daawasho tagay ciyaaraha koobka Aduunka.

Hadaba hoos ka daalaco Xulalka ka qeybgalaya Koobka Aduunka iyo waliba qaabka ay isugu beegmayaan 32 kooxood oo min afar u galay sided qaanadood.

Group A: Qatar, Ecuador, Senegal, Netherlands

Group B: England, Iran, USA, Wales

Group C: Argentina, Saudi Arabia, Mexico, Poland

Group D: France, Australia, Denmark, Tunisia

Group E: Spain, Costa Rica, Germany, Japan

Group F: Belgium, Canada, Morocco, Croatia

Group G: Brazil, Serbia, Switzerland, Cameroon

Group H: Portugal, Ghana, Uruguay, South Korea